EPISODE · Feb 17, 2021 · 3 MIN
Soomaali Christian Heesta - "Ciise waa boqor".3gp
"أغنية صومالية مسيحية - "يسوع ملك / "Jesus is King" - Somali Christian Song.3gp. ///. YOOXANAA-- CUTUB 1 1.Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. 2. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. 3. Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. 4. Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka. 5. Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin. 6. Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa. 7. Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. 8. Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo. 9. Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada. 10. Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga. 11. Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga. 12. Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay, 13. oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah. 14. Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
Embed this episode
Ready to play
Soomaali Christian Heesta - "Ciise waa boqor".3gp
No transcript for this episode yet
Similar Episodes
No similar episodes found.
Similar Podcasts
No similar podcasts found.