Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya episode artwork

EPISODE · Dec 23, 2020 · 21 MIN

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

from Adeeg Wanaag · host Somali Public Agenda

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.Burhan Warsame Abdi waa aqoon yahan bartay Arrimaha Dowlanimada, Siyaasadda loo dhan yahay,  iyo Federalismka. Waxa uu hadda ka tirsan yahay Somali Dialogue Platform. Waxa uu soo qabtay howlo kala duwan. Waxa uu noqday Agaasimaha Guud ee Xafiiska RW (Chief of Staff); La taliye Arrimaha Doorashooyinka; Xubin Guddiyada xiriirinta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada (Federal Negotiating Technical Team); Xubin Guddiga Wadaagga Kheyraadka Dalka; Goobjooge Doorashooyinkii 2012 iyo 2016/17; waxa uu sidol kale la shaqeeyey hay'ado badan oo caalami ah. Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab·      Email us at [email protected] for listening!

Episode metadata supplied by the publisher feed · Published Dec 23, 2020

Embed this episode

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar. Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa...

Distinct summary based on available episode metadata or transcript content.

NOW PLAYING

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya

0:00 21:26

No transcript for this episode yet

We transcribe on demand. Request one and we'll notify you when it's ready — usually under 10 minutes.

No similar episodes found.

Frequently Asked Questions

How long is this episode of Adeeg Wanaag?

This episode is 21 minutes long.

When was this Adeeg Wanaag episode published?

This episode was published on December 23, 2020.

Can I download this Adeeg Wanaag episode?

Yes. Use the download control on the episode player to save the publisher-provided media file.
URL copied to clipboard!