Ciidda Al-Adxaa 2
from Al-Saadicuun Bil-Xaq Hosted by Al-Saadicuun Bil-Xaq
Ciidda Al-Adxaa ma ahan taariikh soo noqnoqota sanad wlba ujeeddo la’aan. Ma aha dabbaaldeg la mid ah kuwa ka dhaca dunida kuwaas oo taariikh ama hawl-qabad lagu xasuusto. Balse waa dabbaaldeg lagu jeedaalinayo aabihii nabiyada (CS) iyo dacwadiisii towxiidka ee heerka sare gaartay taas oo ah tusaale muujinaya ikhlaaska iyo imaamninada towxiidka sida uu Allaah yiri: { إِذْ جَاءَ رَبَّهُ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ } (Markii uu ula yimid Rabbigiis qalbi fiyow) {إِذْ قَالَ لَهُ رَبُّهُ أَسْلِمْ قَالَ أَسْلَمْتُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ } (Markii uu ku yiri Rabbigiis hoggaansan, waxa uu yiri waxa aan u hoggansamay Rabbiga caalamiinta). Xuskaas waxa aan ku tiigsnayanaa himmadda iyo saafinnimada uu ku muteystay Nabi Ibraahim(CS) tilmaanta ah: wadaaygii Allaah. Sidaas darteed ciidda muslimiintu ka duwan ciidaha kale. #Ciidal_Al_Adxa_Al_Mubaarak #Al_Saadicuun_Bil_Xaq
Embed this episode
No transcript yet.