Gar baan kuu dhiganayaa-Digfeer
from Ifiye Radio Hosted by Ifiye Radio
Yassin Axmed Digfeer. Dadkii kala gado qarsada Waxbaa ka dhex guuxayee Gar-baan kuu dhiganayaa Gudoonkuna waa adigee Gar-eex lama doonayee Garawso waxaan ku dhaho Nin gob ah ood gacal tihiin Wiliba gacalooy ku jecel Adoon ku maqneyn wax gara Inuu gurigoo cidlo ah Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo Miyaanu gartaa laheyn Dar-daarankii waad gaftee Adoo fasax gaaban tagey Maxaa GOBLE kaaga xidhan Ma geel-baa kuugu dhalay ----------------------------------------- Adoon gurro iyo canaan Adoon gacan iyo dil qabin Adoon gaajiyo dhib arag Anoo Guri kuu sharaxay Gasiinkuna kuu dhex-yaal Wiliba Gobanimiyo sharaf Adiga guudkaaga sudhay Wiliba gacalooy ku jecel Adoon ku maqneyn wax gara Inaan gurigoo cidlaa Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo Miyaanan gartaa laheyn Dardaarankii waad gaftee Adoo fasax gaaban tagey Maxaa GOBLE kaaga xidhan Ma geelbaa kuugu dhalay.
Embed this episode
No transcript yet.