PODCAST · education
Hab Fikirka Tarmuuska
by Hodan Hilmi
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!
-
73
SE05ep4: Mushkiladda ma Qarnigaan ba leh mise Weligeed ayay jirtay? | Safar!
Bismilaah; Isku soo noqod wanaagsan dhamaan akhyaarta ku xiran Hab Fikirka Tarmuuska. Halkaan ka dhagaysi sheeko 130 sanno jirto, oo ka dheeho muhiimada Safarka adigoo u dhex maraya Qoraal iyo Akhris. Dhagaysi wacan!
-
72
SE05ep3: Sidee Ayaad Naftaada Ula Hadashaa? (6 Su’aalood oo Kuu Caddeynaya)
Inta badan waxaan diiradda saarnaa sida aan ula hadalno dadka kale, laakiin marar yar ayaan is weydiinnaa: sidee ayaan nafteena ula hadalnaa? Qeybtan, waxaan kula wadaagayaa 6 su’aalood oo fudud oo kaa caawinaya fahamka dareenkaaga, caddeynta fikirkaaga, iyo inaad si wanaagsan u hadasho—adigoo naftaada ka bilaabaya. Dhageysi wacan!
-
71
SE05ep2: Some things are not Taught, they are Caught | Safar!
Bismilaah; Xalqadan waxaan kaga hadlaynaa farqiga u dhexeeya The passive mind vs The observant Mind iyo mida ay tahay in aan ku dedaalno. Dhagaysi Wacan!
-
70
SE05ep1: Hal caado oo aan qasab kugu ahayn — balse noloshaada dhisaysa | Marti: Abdikafi | Safar!
Bismilaah; Marti cusub! Horumarka dhabta ah ma aha inaad hal habeen guusha gaarto, ee waa inaad ogaato jihada saxda ah. U dabaalato dhanka hirku kaa xigo si aad si fudud, joogto ah, oo fog u gaarto meesha aad rabto. 🌊📚
-
69
Season 5 Trailer | Safar!
Bismilaah; Waa markale iyo kalkii 5.aad, kaalay oo safarkan cusub ka qayb qaado!
-
68
SE04: Final ep: Haddii Aadan Ogeyn Waxa Aad Raadineyso, Wax Qaldan Ayaad Ku Mashquuleysaa | Dhugatayee, Maxaad dhigi!
Bismilaah; Haddii aadan ogeyn waxa aad raadineyso, waxaad ku mashquuli kartaa wax aan ku dhisayn. Qaybtan waa gunaanad ku saabsan jihada toosan, su'aalo sax ah, iyo shaqada gudaha ka hor inta aan wax dibadda laga beddelin. Dhagaysi wacan!
-
67
SE04ep15: Sidee tahay? Ma Is waydiisay?
Bismilaah; Saakana waa su'aale , sidee tahay?
-
66
SE04ep14: Ma Akhrinta ayaa ku bedesha Mise Waxa aad akhrido?
Bismilaah; Sanad walba waa nala yiraahdaa wax badan akhri, balse nalama baro sida si fiican wax loo akhriyo. Qaybtan, waxaan kula wadaagayaa isbeddelkii aan sameeyay 2025: ka guurista akhris aan ujeeddo lahayn una guuray akhris leh niyad iyo himilo. Waa milicsi ku saabsan buugaagta, aqoonsiga, iimaanka, iyo sababta waxaad akhrido ay uga muhiimsan tahay inta aad akhrido. 📚✨
-
65
SE04ep13: Takooridda Aan Ka Aamusanahay: Bulshada Soomaaliyeed 🪞🧠🖤 With Shamso Ahmed ┃ Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Takooriddu mar walba kama timaaddo dibadda — mararka qaarkood waxay ka dhex jirtaa bulshadeenna. 🪞 Qaybtan, waxaan si toos ah u eegaynaa sida kala soociddu uga muuqato dhexdeena: qabiil, midabka maqaarka, xaaladda caafimaad, iyo aragtiyo nololeed oo kala duwan. 🧠 Ma aha in cid kale la eedeeyo ee waa in qof walba is weydiiyo su’aasha adag: anigu xaggee ayaan ka taaganahay? Qaybtani waa martiqaad aad ku joojiso is-difaaca, kuna bilowdo is-eegis dhab ah. 🔍✨
-
64
SE04ep12: Waxaad Rumaysato Ayaad Noqotaa 🧠✨
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨.
-
63
SE04ep11: Yaysan Kuu Raacin 2026 Caadooyinkii Ku Dilay 2025!
Bismilaah; Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025. Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026. Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban.
-
62
SE04ep10: Maxay Noogu Adagtahay inaan dhahno "Waan ku jeclahay?" with Abdullahi | Dhugatayee, Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago. Dhagaysi Wacan!
-
61
SE04ep9: 5-ta Nooc ee Kalsoonida, Midkee ayaa xoojin kaaga baahan? | Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨ Halkan ka dhagayso!
-
60
SE04ep8: The Final 5 Weeks oo Go’aamiya Guusha Sannadka!
Bismilaah; Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn. Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah. Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday; Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "waa-maxay-faa-iidada-peak-end-rule-sida-loo-abuuro-dhammaad-guul-iyo-xusuus-leh-2024" Dhagaysi Wacan!
-
59
SE04EP7: Kan ilaasho, Kana Tuur! With Fadumo Hasan | Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bisilaah; Qaybtan waxaan la fariistay Jacayl badan u haya dhaqanka Soomaaliyeed. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiiminayaa laba arrimood: 1) Hal dhaqan oo aynu jeclaan lahayn inuu sii noolaado. 2) Iyo hal dhaqan oo aynnu rajaynayno inuu halkan ku joogsado. Martiduna waa qofkii ila wadaagay Podcast-gii ugu horeeyay ee somali ku baxa oon dhagaysto muddo 6-7 sanno laga joogo. Sidoo kalena ka danbaysay, in uu Hab Fikirka Tarmuuska Soomali ku baxo. Marka dhagaysi wacan!
-
58
SE04EP6: Sidee Awoodda Looga Qaadaa Fikirka Xun? 🧠✨ | Dhugatayee Maxaad dhigi!
Fikir dib kuula haraya maa ku daaliyay? 🤔 Qaybtan cusub waxaan kaga hadlaynaa 3 qaab oo aad awoodda ugaga soo ceshan karto fikirka xun (Negative) 💫 Qalinkaga, codkaaga, iyo qof aad ku kalsoon tahay ayaa noqon kara furaha xorriyadda maskaxda. 🖊️🎙️🫶🏽 Dhagayso si aad u barato sida aad ugu beddeli karto fikir xun mid ku dhisa. 🌱
-
57
SE04EP5: Naftaada Baro, Ka Billow Fikirkaaga 💭 Qaybtii Kowaad | Dhugataye Maxaad Dhigi?
Bismilaah; Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭
-
56
SE04EP4: Naftayda oon jeclaado, ma danaysi baa? 💞 | Dhugatayee Maxaad Dhigi
Bismilaah; Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫 Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭
-
55
SE04EP3: 🎙️ Naftaada Ma Jeceshahay? Haa, Hadaba fadhiga Ka Kac! | Dhugatayee Maxaad Dhigi
Bismilaah; Mararka qaar fadhigu waa nasasho, laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna. ⏳ Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫
-
54
SE04ep2: Sabab ayuu isbeddelku u adagyahay? Iyo Maxamed Cali | Dhugataye Maxaad Dhigi?
Bismilaah; Qaybtan waa wada sheekaysi furan oo uu nagala soo qayb galay Maxamed Cali, annagoo si hufan uga hadlayna micnaha iyo ujeeddada “Dhugataye Maxaad Dhigi?” 💭 Ayaan hadana wadaagnay sheeko ku saabsan fahamka, dhaqanka, iyo dib u milicsiga, sidoo kalena dib u eegnay waxa aan ka dhaxalnay iyo waxa aan rabno inaan dib u qorno ✍️🌱 Dhagaysi Wacan!
-
53
SE04ep1: ✨ Hal sano oo Podcasting ah iyo 50 xalqadood maxay i bareen? | Dhugataye Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Haddii aad weligaa ku hamin jirtay inaad wax qabato 💭, ay jirto fikrad mar walba kugu soo noqnoqota mid aad rabtay inaad bilowdo laakiin aadan weli ku dhiiran 😔 ama aadan garan sida loo bilaabo 🚶♀️… Haddii ay saas tahay, qaybtaan waa tii aad ka heli lahayd talooyin iyo xooggii aad wax ku bilaabi lahayd 🎧✨
-
52
🎬🎙️ Season 4 Trailer | Dhugatayee Maxaad Dhigi 🕊️📜
Bismilaah; 🎙️ Season 4 Trailer; Waa waqtigii aan dib u xusuusanlahyn wixii aan qornay, aan sharafno qaybaha wanaagsan ee na sameeyey, iyo aan geesinimo u yeelanno inaan dib u qorno wixii aan noo adeegayn. 🌍✨ Dhaqanku waa awood, wuu na qaabeeyaa, laakiin waa aan anagu Qorno. 🪔📜 Hadda qalin adiga ayuu gacantaada ku jira. Maxaad u gudbin doontaa carruurta iyo jiilasha soo socda? 🕊️💛 Ku soo dhawaaw season-ka 4.aad iyo Dhugatayee maxaad dhigi!
-
51
SE03EP16 Final Ep : Dhimashadu ma dhammaad baa? ❓ – Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?
Bismilaah; Qaybtan waxaan ka sheekeynayaa sida ubaxu u dhasho, u koro, u qurux bato, ugu dambeyntiina u engego. 🌸 Laakiin… ma halkaas baa sheekadu ku dhammaataa? Waxaan ku milicsanay nolosha bini’aadamka, marxaladaha kala duwan ee aan soo marno, iyo runta weyn ee dhimashadu in aysan ahayn dhammaadka , balse ay tahay bilow cusub, Akhira. 🌙✨ Mahadsanid inaad ila soo socotay intii lagu jiray Season 3.💛 Tani ma aha dhammaad… waa bilow cusub oo Season 4 ah, inshaa’Allah. 🌱🎉
-
50
SE03EP15: Deegaanka miyaa go'aamiya horumarka? 🌍🌱| Ma Fiyoorahaa Mise Waa Fikirkayga
Bismilaah; Ubaxa Lotus wuxuu ku dhashaa dhoobo iyo biyo wasakh ah, haddana wuxuu noqdaa mid ka mid ah ubaxyada ugu quruxda badan adduunka. 🎋 Casharka? Waxaa jira qurux iyo awood gudahaada ah, xitaa haddii deegaankaagu adag yahay. 💪🏽✨ Qeybtan waxaan ku baran doonaa sida fikradahaaga iyo waxa aad quudiso maskaxdaada ay u qaabeeyaan noloshaada. Iyo sida aad ugu abuuran karto qurux iyo xoog, meel kasta oo aad joogto. 🌍🌸
-
49
SE03EP14: Qof kastaa wuxuu leeyahay Socod u gaar ah, waa kee socodkaagu?🚶🏾♀️🧕🏾🐌🐜 | Mindset Shift
Bismilaah; 🐌✨ Qaybtan cusub ee Mindset Shift waxa aan daaha ka qaadeynaa casharro qoto dheer oo laga barto Cali_Dhareerowga (sluga) gaabiska. Maxaa yeelay, noloshu mar walba degdeg ma aha. Quraanjadu waxay na bartaan xawaare iyo wadajir, halka slugu uu na baro dulqaad iyo Adkaysi. 👉 Haddaba, sidee ayay u dhici kartaa in waxa aad u aragto daciifnimo ay dhab ahaantii noqdaan xooggaaga? 👉 Sidee ayaad uga dhigi kartaa culayskaaga mid iftiin kuu noqda, halkii uu kuu noqon lahaa culeys? Dhagayso qaybta oo ogaaw: ✨ Sheekadaada guusha weli way ku sugeysaa.
-
48
SE03ep13: Caqabadaada kaliya waa TELEFOONKA!
Bismilaah Xalqadaan waxaa igu wehliya Fatush iyo Iftin, waxayna wax badan naga yiraahdeen Teleefonka , Scroll-ka, dhibaatadiisa, iyo waxa aan ku xalin karno. Dhagaysi Wacan!
-
47
SE03EP12: Noqo Mashquul, Mugdi Ha Ku Qaadan Dayrta /Autumn 🍂
Bismilaah; Dayrta iyo mugdiga jiilaalka ha ka baqin! 😌✨ Baro sida loo ga hortago murugada aan dhicin, loo helo farxad, iyo sida maskaxda loo beddelo si xilliga dayrta ay kuu gu noqdo mid wax soo saar leh. 🌟 3 talooyin fudud: diiradda saar, kuwaan soo socda! 🍁💪
-
46
SE03EP11: Ma adigaa haya hoggaanka noloshaada 🚀 mise kuwani? 🤔💭😟⏳
Bismilaah; ✨ Qaybtan waxaan ka hadleynaa khatarta ugu weyn ee aan badanaa iska indha tirno: wax samayn la'aan (Doing nothing) . Mararka qaar nasashada ujeeddo leh 🧘♂️ waxay nolosha keentaa degenaansho, balse marka fikir badan 💭, cabsi 😟 iyo dib u dhigista ⏳ ay xukunka qabsadaan , waxaad ku dambayn doonaa waxba qabanin. Haddaba, ma adigaa haya hoggaanka noloshaada mise kuwani? 🌅💪
-
45
SE03EP10: 🌸 Quruxda Kala Duwanaanta 🌸(Ma fiyoorahaa mise waa Fikirkayga)
Bismilaah; Episode-kan waxaan ku eegaynaa sida dunida ubaxyadu inoogu barayaan casharro muhiim ah 🌼. Midabyo kala duwan, udug kala duwan, iyo xilliyo kala duwan, dhammaantood waxay ka tarjumayaan kala duwanaanta bani’aadamka 🌍. Quruxdu ma ku jirtaa isku ekaanshaha? Maya! Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanta, fahamka, iyo aqbalaadda. 🫶✨ Dhagaysi wacan!
-
44
SE03EP9: Hordhaca taxanaha "Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?"
Bismilaah; 🎙️ Qeybtan hordhaca ah ee taxanaha cusub, waxaan si tartiib ah ugu guda galeynaa ka faa’iidaysiga ubaxa 🌸 iyo halka uu nolosheena ka shabaho. Muxuu adigu ku xasuusiyaa ubaxu? 🌷💭 Qurux? Xilli roobaad? Xasillooni? Mise wax kale? FG: Arrimo farsamo dartood ayay xalqadan dib u dhac ku yimid. Sida caadiga ah waa la soo gelin lahaa Khamiista. Mahadsanid dulqaadkaaga. 💛
-
43
SE03EP8: Markii Aan Dib Isu Eegay… 90-kii Labaad ee 2025-ka!
Bismilaah; Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsanno koboc. 🎯 Marka adiga, sidee bay kuu dhaafeen 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay? Maxaad ka baratay, maxaadse diyaar u tahay inaad ku hagaajiso 90-ka xiga?
-
42
SE03EP7: Capture It, Before It Fades ⏳✍️
Bismilaah; ⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️. Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨
-
41
SE03EP6: Marka Maskaxdu Buuxsanto… Dhaqaaq! 🚶♀️🌀
Bismilaah; 🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️? 🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah. Dhagaysi wacan! 🎙️✨
-
40
SE03EP5: Roobku muxuu ku xasuusiyaa? 🌧️🪷💭☔️
Bismilaah; Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis. Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚. Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag, adigoo isweydiinaya: "Roobku muxuu i xasuusinayaa?" 🌧️💬
-
39
SE03EP4: Wareeji Qalinka,✍️Dhaqaaji Maskaxda🧠 Sirta Tijaabinta Xirfadaha 🔓Cusub
Bismilaah; Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍
-
38
SE03EP3: Xagee ayaad maanta joogtaa? 🌊🦆
Bismilaah; Xagee ayaad maanta joogtaa? Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆 Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kastaa uu qiimo leeyahay — xitaa kan aan la arkin.
-
37
SE03EP2: Dib u soo kabashadu ma dib u dhacbaa mise? 🍂➡️🌼
Bismilaah; Haddii aad dareentay daal, hoos u dhac, ama waqti aan xasilloonayn, waa caadi. Dib u soo kabashadaadu waa qeyb ka mid ah safarka. Waa astaanta ubax cusub oo soo bixi doona. Xilli walba wuxuu leeyahay saameyn, geed walbana wuu xasuustaa qabowgii uu ka soo gudbay. Qeybtan, waxaan ka hadlaynaa sida dabeecaddu noogu noqoto muraayad. Haddii geedaha ay markale ubaxaan (Caleemo yeeshan) adiguna waad awooddaa.✨ Dhageyso si aad u hesho xasuusin qalbigaaga taabanaysa. 🌱🕊️
-
36
SEO3EP1: Waxa Kaa Agdhow Ma Aragtaa?🌿☀️👀 (Theme intro)
Bismilaah; Ku soo dhawaaw kalfadhigan saddexaad, kaas oo kaliya naga codsanayaa hal shay: in aan is-joojino 🌿, eegno 👀, oo aan dareenno 🤲🏽. Waayo markaad aamusto 🤫, waxaad maqashaa codad kale, biyo dhaqaaqaya 💧, dabeyl 💨, iyo qalbigaaga ♥️. Qeybtan, waxaan bilaabaynaa safar cusub 🚶🏽♀️🛤️ oo ku saabsan fahamka 🧠, fiirsashada 🌸, iyo koboca gudaha 🌱
-
35
SE03: Hordhac (Trailer) Kalfadhigii 3-aad: Fahamka Abuurka Alle iyo ka ficil qaadashadiisa!
Bismilaah; Xilli cusub oo degganaan iyo ubax ah ayaa bilowday. 🌸 - Marka nafta waan xaadiri doonaa, waan u fiirsan doona 🌿 - Sheekooyin ka imanaya Abuurka Alle sida, ubax, geedaha iyo xayawaanada, iyo qoraal kaa caawinaya inaad is fahamto. ✍️ Ku soo dhawoow Season-ka 3aad.✨
-
34
Best of Season 2 ✨🧠💭⚡✍️
Bismilaah; Qeybtan dib u eegista ah waxaan ka soo xulnay dhawr cashar oo Season 2 ka mid ahaa, kuwaas oo si qoto dheer u taabtay: 🧠 Maskaxda & rumaynta nafta ✨ Awoodda lagu gaaro yoolal (Dua Board) 🌟 Quruxda ku jirta inaad adigu ahaato (Duwanaashadaadu waa awood) ⚡ Iyo sababta aan uga baqno ficilka Haddii aad rabto inaad dib u eegto safarka fikirka & koritaanka , hadaba tani waa qaybtaada.
-
33
SE02EP16: Saddexdan Qodob Ayaa Hab-Fikirkayga Bedelay – Season 2 (Final episode)
Bismilaah Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto. Waxaa intaa dheer: wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda. Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀
-
32
SE02EP15: Ma Dooneysaa Inaad 90 Maalmood Is Beddel Ku Samayso? 🌱
Bismilaah; Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯 Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa: 🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya 💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya 🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa ✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa, halkii saxda ahayd ayaad timid! Dhagaysi wacan! 🎧
-
31
SE02EP14: Adiga Aan Weli Dhiirranin (The You That Hasn’t Been Brave Yet) The Mindset shift serie
Bismilaah; 90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔 🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀 🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥 Dhagaysi wacan!
-
30
SE02EP13: Ku Sagooti Su’aashan Ramadaanka 1446/2025! ✨
Bismilaah; Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤✍️ Dhageyso oo qoro xusuustaada maanta! 🚀
-
29
SE02EP12 Ducadaada Weynee! Ha Seegin 10-ka Habeen ee Ugu Khayrka Badan 🌙🤲🏽
Bismilaah; 10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫 Ha moogan!
-
28
SE02EP11 Marti Gaara:Iftin! Jimicsiga & Ramadaanka Maxay Wadaagaan? 🎙️🏋🏽
Bismilaah; Ramadaan & Workout! 🌙🏋️♂️ Ma la jaanqaadi kartaa jimicsiga inta lagu jiro soonka? Xalqaddan, waxaan la falanqeyn doonaa marti khibrad leh si aan uga faa’iidaysano Ramadaanka si aan u dhaqaaqno! Dhagayso si aad u ogaato sida Ramadaanka iyo jimicsigu iskula jaanqaadi karaan! 🎙️✨
-
27
SE2EP10: 5 Talo oo Kaa Caawinaya Xoojinta Ruuxda & Jidhka! 🤲✨ Fududee Ramadan-kaaga
Bismilaah Xalqaddan waxay ku saabsan tahay 5 talo oo sahlan oo kaa caawinaya inaad Ramadaanka uga faa’iidaysato si fudud, nafci badan, oo ajar badan leh. 🕌✨ Waxaan ka hadlaynaa sida aad uga faa'iidaysan karto neefsashada si ay kuu caawiso, niyad sax ah u dejisato dhammaan camalkaaga, isku dheelitirto cibaadada iyo nolol maalmeedka, iyo sida loo xakameeyo waqtiga iyo baraha bulshada si aad u korto ruxiyan. 📿⏳ Dhagaysi wacan!
-
26
SE02EP9: La Fadhiiso Shamso & Fatush 🕌💫 Ramadaanka!
Bismilaah; Marti Gaara! 🎙️ Xalqadan cusub ee Ramadaanka, waxaan la fariisannay marti gaar ah: Shamso iyo Fatush! 🌙✨ Waxaan si qoto dheer uga hadalnay sida loogu diyaargaroobo bishan barakaysan, muhiimadda barashada Ilaahay 🕌, iyo sida ducadu uga dhigan tahay furaha barakada iyo dhabta nolosha 🤲. Waa sheeko xiiso leh, oo qoto dheer oo ka buuxaan talooyin qiimo badan – ha moogaanin! 🎧💡
-
25
SE02EP8: Xagee u Socotaa? – Hel Caddeyn iyo Jihayn Dhaba 🚀📍 (The mindset shift serie)
Bismilaah: Xalqaddan waxa aynu ku lafagureynaa su’aasha muhiimka ah ee ah: Sidee ku ogaan kartaa waxa aad doonayso inaad noloshaada QABATO—hadday tahay shaqo, korriin shaqsiyadeed, ama horumar ruuxi ah? 🛤️✨. Waxaan kuu diyaarinay su’aalo xeel dheer oo kaa caawin doona inaad hesho caddeyn iyo jihayn sax ah, adiga oo si miyir leh u qorsheynaya mustaqbalkaaga. Dhagaysi wacan 🎧✨
-
24
SE2EP7 Ma' daciifnimaa Mise waa Awood? 💪✨ Sida Aad Uga Faa'iidaysan Karto Xaalad Walba. (The mindset shift)
Bismilaah Mararka qaar awooddeena dhabta ah waxay ku qarsoon tahay wax aan horey u u aaminay inay yihiin daciifnimadeenii! (Weaknesses)🎭✨ Qeybtan, waxaan ku qaadaa-dhigi-doonaa sheekada wiil yar iyo judo-ha waxa kala qabsaday, muhiimadda ay leedahay in la barto hal xirfad, iyo sida aad u aqoonsan karto awoodaada qarsoon. Waa waqtigii aan aragtideena bedeli lahayn! 🚀 Dhagaysi wacan 🎧😊
We're indexing this podcast's transcripts for the first time — this can take a minute or two. We'll show results as soon as they're ready.
No matches for "" in this podcast's transcripts.
No topics indexed yet for this podcast.
Loading reviews...
ABOUT THIS SHOW
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!
HOSTED BY
Hodan Hilmi
CATEGORIES
Loading similar podcasts...