EPISODE · Oct 16, 2022 · 27 MIN
Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo
from Maamul Wanaag · host Somali Public Agenda
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale. Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo’. Faallada waxa ay soo bandhigtay hannaan loo dhan yahay ee looga wada hadli karo loogana heshiin karo arrimaha la xiriira federaalka ee uu khilaafka ka jiro. Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxa ay Maxamed Keynaan iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta iyo habka wada-xaajoodka ee lasoo jeediyey.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)· Email us at [email protected] for listening!
NOW PLAYING
Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo
No transcript for this episode yet
Similar Episodes
May 7, 2026 ·51m
May 6, 2026 ·29m
May 6, 2026 ·51m
Apr 7, 2026 ·61m