PODCAST · health
Kabasho
by Hamda Hussein
Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
-
67
Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
66
Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
65
Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh.Dhagaysi wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
-
64
Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan?Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada.Dhagaysi wanaagsan🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
63
Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid
Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan?Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
-
62
Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane
Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo .Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
61
Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin
Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha?Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
60
Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow
Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato.Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
59
Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah
Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay.Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
58
Ep:6; Emotional Sponge| Muquurasho Dareen
Wali ma is waydiisay sababta ay dareemaha dadyowga kale kuu saameeyaan?Ka falceli xilqaddan 😊
-
57
Ep:5; Hypochondria| Ka Cabsashada Cudurrada
Ka falceli xilqaddan 😊
-
56
Ep:4; Paranoia| Buufis
Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
55
Ep:3; Neutralising Anxious Thoughts| Badhxidda Afkaaraha Cabsida
'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
54
Ep:2; The Power of Positive Affirmations| Awoodda Erayada Togan
Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
-
53
Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
52
HORDHAC:Season 2
Ka falceli xilqaddan 😊
-
51
Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid.Dhagaysi wacan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
50
Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
49
Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
-
48
Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
47
Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|
Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta. Dhagaysi wanaagsan . --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
46
Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex
Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
45
Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage
Bani'aadamku ma darroori karaa dareen ahaan? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashan.Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
44
Ep:43; Naf Ka Shakiyid |Self-Doubt
Weli awoodahaaga qofeed , wax qabadkaaga iyo ahaanshiyahaaga maka shakiday? ma iswaydiisay weli waxaad isaga shakido? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa shakiga, waxa keena iyo sida looga bixi karo. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
43
Ep:42; Qunyar Noolaanshiyo |Slow Living
Weli ma maqashay mabda'a 'Qunyar Noolaanshiyaha' , ma noolaan kartaa qunyar iyada oo aanay jirin wax ku dedejinayaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa waxa uu yahay Qunyar-Noolaanshiyuhu.Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
42
Ep:41; Dad-Raalli Gelin |People Pleasing
Weli ma Is waydiisay dhaqanka dad iska gadista/dhaadhicintu meesha uu kasoo raaco dadka, sifaha ay yeeshaan dadka lihi iyo sida loge gudbi karo? Xilqaddan ayaad ku baranaysaa bi'dniLaah. Dhagaysi Iyo Dhaqan Gelin Wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
41
Ep:40; Naf-Saamixid |Self-forgiveness
Weligaa ma doontay inaad naftaada saamaxdid? ma iswaydiisay halkee ayaan ka bilaabaa? xilqaddani waxay kaaga jawaabaysaa su'aalo laga yaabo inaad jawaab u la'ayd. Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
40
Ep:39; Dhiig-bax Dareen |Emotional Bleeding
Weligaa ma maqashay qofbaa dareen ahaan u dhiig-baxay? xilqaddan ayaynu isku waydiinayaa waxa uu yahay dhiig-baxa dareen. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
39
Ep:38; Cabsida Geerida |Thanatophobia
Sidee ayaan uga bixi karaa cabsida daran ee geerida ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
38
Ep:37; La dhaqmidda hubanti la'aanta |Dealing With Uncertainty
Tabo iyo xeelado kaa caawin kara la dhaqanka hubanti la'aanta ayaad xilqaddan ka faa'iidaysaa bi'dniLaah. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
37
Ep:36; Fikradaha Taban |Intrusive Thoughts
Fikradaha maanka kusoo dhaca kuwooda khalalka qofka geliya ayaynu kaga hadlaynaa xilqaddan. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
36
Ep:35; Ka kabashada Dhibta Waalidka Is-xambaarsanaha Ah | Healing from Parental Narcissistic Abuse
Waalidkaygu haddii uu Is-xambaarsane yahay maxaan ka yeelaa? Su'aashan ayaynu xilqaddan kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
35
Ep:34; Ka kabashada Dhibta Is-xambaarsanaha | Healing from Narcissistic Abuse
Tallaabooyinka ka kabashada dhibta Is-xambaarsanaha ayaynu xilqaddan ku qaadaa-dhigaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
34
Ep:33; Is-xambaarsanaanta Iyo Waalidnimada | ;Parental Narcissism
Waalidku Isxambaarsane ma noqon karaa ayaynu kaga jawaabaynaa Xilqaddan. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
33
Ep:32; Xeeladaha Is-xambaarsanaha |Narcissistic Tactics
Wax ka baro xeeladaha dadka Is-xambaarsanaayaasha ah. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
32
Ep:31; Narcissism In relationships |Is-xambaarsanaanta Iyo Xidhiidhada |
Sidee ayay u dhaqmaan is-xambaarsanayaashu xilliyada ay xidhiidhada ku jiraan? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi Wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
31
Ep:30; Is-xambaarsanaan |Narcissism
Weli ma iswaydiisay Is-xambaarsanaanta |Narcissism-ku waxa uu yahay? xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashaas misana ku baranaynaa shakhsiyidda noocaas ah calaamadaheeda iyo waxa sameeya dhaqankeeda.Dhagaysi wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
30
Ep:29; Dareen-Habaabin |Emotional Manipulation
Weli dareenkaaga mala habaabiyay? Maxay ayaad dareentay? maxaa lagu gartaa qofka dareenka habaabinaya? xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aalahan iyo kuwo kale. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
29
Ep:28; Xuduudaha Goobta Shaqada |Setting Boundaries At Work
Sideen u samaystaa Xuduudo -Shaqeed ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
28
Ep:27; Xuduudo Dareemeed |Emotional Boundaries
Weli ma is waydiisay waxaad mar walba u niyad jabsantahay, uga daallantahay gudaha,u dareensantahay in aan lagu qiimaynayn? malaga yaabaa inaanad xuduudo dareemeed lahayn? Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan 🌸--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
27
Ep:26; Xuduudo Samaysi |Setting Boundaries
Waa maxay samaysiga xuduudaha-qofeed? maxaynu se ugu baahannahay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi wanaagsan 🌸--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
26
Ep:25; Dhalanteedka Dhamaystiranka (Q:2aad)|Perfectionism
Xilqaddan waxaynu kaga hadlaynaa siyayaabaha loo yarayn karo ama looga guulaysan karo Dhalanteedka-Dhammasytiranka. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan 🌸--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
25
Ep:24; Dhalanteedka Dhamaystiranka|Perfectionism
'Waa maxay Dhalanteedka Dhammaystiranku'? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
24
Ep:23; Bahdilaad|Bullying
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynaa 'bahdilaadda' , noocyadeeda iyo wajiyada kala duwan ee ay u dhacdo. Dhagaysi wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
23
Ep:22; Dareemada Ceebta |Feelings of Shame
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa sida loola dhaqmo dareemada ceebta iyo dhaqamada ka dhasha labadaba. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.🌸--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
22
Ep:21; Baqdinta dad dhexgalka |Social Anxiety
Weligaa ma dareentay in baqdin\cabsi ba'ani ku hadhayso marka aad is tiraahdo dadka dhexgal, madal tag ama meel lagaaga yeedho ay dadku ku badanyihiin? xilqaddan waxaad ku fahmaysaa meesha cabsidaasi kasoo unkamayso iyo qaababka aad u dumin karto ee uga xoroobi karto. Dhagsi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
21
Ep:20; Urugada Geerida Dabadeed |Grief after Death
Sidee ayaan u urugoodaa kadib marka qof aan jeclahay i cidleeyo, sideense u kala gartaa dareemada caafimaadka qaba iyo kuwa aan caafimaadka qabin ee ila hadhaya? Su'aalahan ayaan kaga jawaabayaa xilqaddan. dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
20
Ep:19; Urugo|Grief
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynayaa dareenka 'urugada' saamayntiisa iyo sida loola dhaqmo. Dhagaysi wanaagsan ✨--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
19
Ep:18; Ogaal-Neefsasho|Mindful Breathing
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa waxa loo yaqaanno 'Ogaal-Neefsashada' faa'iidooyinkeeda iyo sida loo sameeyo. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan 🙌--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
-
18
Ep:17; Tabnaanshiyaha Jidheed|Body Dysmorphic Disorder (BDD)
Xilqaddan waxaynu ku lafa guraynaa waxaynu u bixinay 'tabnaanshiyaha jidheed' waxa uu yahay,sida uu u abuurmo iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/messageKa falceli xilqaddan 😊
No matches for "" in this podcast's transcripts.
No topics indexed yet for this podcast.
Loading reviews...
Loading similar podcasts...